Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Madaxtooyada Dowlad-goboleedkaas.
Guudlaawe ayaa ciidankaan iyo saraakiisha hoggaaminaysa u sheegay in ay kusoo beegmeen xilli loo diyaargaroobayo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo qaybtii 1aad howlgalkaas dhul-badan looga qabsaday.
Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ciidamadaan ay kaalintooda ka qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’, Adkaynta Amniga & la shaqaynta ciidamada kale ee howlgalka ku jira sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa is dhinac socda howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo Tababarka ciidamada la siinayo si loo kordhiyo askarta maadaama deegaanno muddo ay gacanta ku hayeen ‘AS’ laga qabsaday.