Dowlada Mareykanka Oo Warka Soo Saaray Duqeyntii Ka Dhacday Shabeellaha Hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano(Africom)ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay kaga hadleen weerarkii ay ka qeyb qaateen oo maalin kahor ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa War-Saxaafadeedka waxa ay ku sheegeen in iyaga oo caawin iyo talooyin siinaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya laga fuliyey howlgalkaas degaanka Bulcida ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan la soconaya in dqueyntaas la sheegayo in ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah laakin Warbxinada aan heleyno waan qaadaneynaa anaga oo si adag u sameyneyno baaritaan dheer si loo xaqiijiyo waxa ka jira in weerarkaas lagu dilay dad rayid ah ayaa lagu yiri War-saxafadeedka ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

 Sidoo kale waxaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in dib u-eegis lagu sameynayo Warbixinada ay ka helayaan gacanta Saddexaad laakin hadii ay xaqiiqoobaan wararka soo baxaya oo sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen weerarkaas in tallaabo adag ay qaadi doonaan.Gaba  gabadii ayaa War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in weli ay siiwadi doonaan taageerada Millateri ay siinayaan ciidamada dowladda iyo werarada ka dhanka ah Urrurada waxa loogu yeero argagaxisada.

Sikastaba Khamiistii ayaa Muqdisho waxaa la keenay Shan ka mid ah dadkii ku geeriyooday weerarkaas iyo 4 dhaawac ah kuwaas oo dhammaantood la sheegay in ay Shacab ahaayeen,waxana dhinaca kale Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya uu isna soo bandhigay Magacyada Saraakiil uu sheegay in lagu dilay weerarkaas,kuwaas oo ka tirsanaa Al=-Shabaab.