Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay buush ku yaalla halka lagu magacaabo Tuurta, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in goobta la qarxiyay ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo dad shacab ah oo qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay miinada lala eegtay.

Dhaawacyada ayaa si deg-deg ah loola cararay isbitaalka guud oo hadda laga soo warinayay inuu yahay mashquul xoogan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, ayada oo meesha ay wax ka dhaceen ay isku geedaameen ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.