Weerar Lagu Qaaday Xaruntii Keydka Hubka Kooxda AL-Shabaab.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal dhanka cirka ah lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, laguna dilay xubno fara badan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli howlgalka uu socdo, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha guud ee lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.