Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Gaaray Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka uga hortegay Saciid Deni, wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan Puntland iyo dowladda dhexe.

Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah ka qayb-galka xafladda caleemka saarka madaxweyne Saciid Deni oo haatan ka socota magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaasi ku sii daray in xafladdan uu ka baaqday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, sababo la xiriira khilaafka isaga iyo madaxweyne Saciid Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.

Waxaa kale oo munaasabadda jooga madax hore, sida ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Maxamed Xuseen Rooble, Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, maadaama ay Garoowe ay isugu tageen madaxdii ugu badnayd iyo qaybaha kala duwan bulshada oo ay ku jiraan Fanaaniin caan ah.

Si kastaba, Dib u doorashad Deni ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay doodda Dastuurka, maadaama ay horay isugu khilaafeen madaxweyne Xasan Sheekh.