Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo qaybo kamid ah gobolka Sool oo ay weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan SSC-Khaatuma iyo Somaliland.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in maanta Somaliland ay ciidamo horleh keentay furimaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac, taas oo keentay in xiisad cusub laga dareemo halkaasi.
Sidoo kale ciidamada deegaanka ee SSC ayaa iyagu ku sugan aagga deegaanka Buq-Dharkayn, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagayaan Somaliland.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay SSC-Khaatuma iyo Somaliland oo ku aadan xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.
Somaliland ayaa u muuqata mid markale isku diyaarineysa dagaal, si ay u qabsato dhulkii laga saaray oo ay ugu horreyso xerada Goojacadde oo ay hadda joogaan ciidanka SSC.
Lama oga sida ay waxa noqon doonaan, waxaase dadka deegaanka ay dareemayaan walaac iyo cabsi la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee haatan ka socda gobolka Sool.