Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Hadlay Khilaafka Ka Taagan Dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dib loogu doortay Puntland ee Saciid Deni ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay arrinta dastuurka, oo ay isku hayaan madaxdii hore iyo madaxweynaha dib loo doortay, oo uu sheegay inay muhiim tahay in hadda lasii diyaariyo tallaabada xigta marka uu soo idlaado muddo xileedkiisa, taasina keenayso in la dhameystiro dastuurka.

Madaxweynaha ayaa si cad u soo dhoweeyay wixii shalay ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay buuq badan dhalisay, ayna ka horyimaadeen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan oo ay ka go’an tahay arrinta wax ka beddelka dastuurka ayaa khudbadiisa caleemo saarka uga faa’iideystay in doodda dastuurka furan tahay ayna tahay in taasi lagu biyo cabo oo lala yimaado dood maangal ah oo dhaafsiisan waan diidnay, sida uu sheegay.