Lafta-Gareen Oo Tageeray Qorshaha Dowlada ee Dhan Dastuurka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la saftay madaxweyne Xasan Sheekh oo wajahaya mucaaradad xooggan oo la xiriirta arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii caleemo saarka Saciid Deni ee shalay ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhameystiri lahaa dastuurka oo muddo badan KMG ah.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ku bogaadiyay wixii maalintii dhoweyd ka dhacay xarunta Baarlamaanka, ee lagu meel-mariyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.