Ciidamada Xooga Dalka oo Dilay Nin Katirsan Kooxda A.S.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka ay Beledweyne ku toogteen nin Al-Shabaab ah.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu doonayay inuu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne, isaga oo ku hubeysnaa bastoolad iyo bam-gacmeed, ayada oo ciidanka xoogga ay ka hortageen dhagartiisa.

Howl-galkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo la sheegay inay ku howl-galeen xogta bulshada xaafadda Buundo-weyne.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka, si loogu guuleysto amniga gobolka iyo magaalada Beledweyne intaba.