Duqayn Lagu Dilay Xubno Katirsan Kooxda A,S oo Ka Dhacdey Galgaduud.

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Hawgal ka dhan ah Alshabaab oo laga fuliyay Xadka Galgadud iyo Shabeelada Dhexe.

Ciidamada Dawlada iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.

Gaari ay la socdeen Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa lagu burburiyay howlgalkan xalay  ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga saarnaaXubno ka tirsan Alshabaab  sida lagu sheegay war ka soo baxay Yaliska Ciidanka Xoogga dalka .

Dhinaca kale diyaarad ayaa duqayn la beegsatay  garaash ku yaala  degaanka Buq-Aqable oo qiyaastii 90 km Koonfur Galbeed ka xigta magaala Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan shalay gelinkii dambe  .

War ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugidda Sirdoonka Qaranka  ayaa kooga hadlay weerarka Buq-Aqable, waxana lagu sheegay in hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibbada Caalamka lagu burburiyay xarunta kaydka hubka iyo gaadiidka Al-Shabaab ee Buq-Aqable, waxana jira khasaare soo gaaray Xubno ka tirsan Alshabaab , mase sheegin inta uu la egyahay khasaaraha.

Dad ku sugan Buq-Aqable ayaa laga soo xigatay in la duqeeyay garaash ku yaala Buq-Aqable oo ay isticmaalaan Al-Shabaab.

Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu dilay duqeynta oo labo kamid ah ay ahaayeen Al-Shabaab, sida illo wareedyadaasi laga soo xigtay.

Ciidanka Dawlada oo kaashanaya Saaxibada Caalamka ayaa kordhiyay Howlgallada duqaymaha dhanka Cirka ah lagu beegsanayo Xubnaha Alshabaab eek u sugan degaanada  Hirshabeelle iyo Galmudug