Duqeyn Lagu Dilay Saraakiil iyo maleeshiyaad badan oo Katirsan kooxda Shabaab ah oo ka dhacday Shabeelada dhexe…

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shalay gobolka Hiiraan laga fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal sare ee Shabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyaad badan.

Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn culus waxaa fuliyey diyaaradaha dagaalka, wuxuuna ka dhacay degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo hoos taga Buuloburde.

Howlgalka sidaan oo kale duqeyn loo adeegsaday ayaa shalay maqribkii ka dhacay halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la socday gaadiid dagaal.

Inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahaan loogu geystay kooxda, hadana waxaa muuqata in maalmahaan aad loogu beegsanayo dhulka howdka ah, maadaama ay kooxda ku furan yihiin dagaalo culus oo muhiim ay u tahay isku socdaan.

Kooxda al-Shabaab waxaa hadda ku adkaatay inay isku gurmadaan oo dhaqdhaqaaq sameeyaan, waxaana sheeda sare ka ilaashada diyaaradaha dagaal oo beegsada markii ay isku yimaadaan ama kolonyo noqdaan, si ay u socdaalaan.