Galabta ayaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabaynayaa koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo sanadkaan ciyaarta kama dambaysta ah ay ku ballansan yihiin Galmudug & Hir-Shabeelle oo kasoo kala gudbay Banaadir iyo Jubbaland.
Labada Dowlad-Goboleed ee Galabta ballansan ee Hir-Shabeelle & Galmudug ayaa tartankaan isku arkay kulankii furitaanka oo waxa ay ku kala tageen barbaro 1-1 waxaana ay ugu dambayn nasiib u yeesheen in lagu soo xiro koobkaan.
Garoonka Cayaaraha Muqdisho waxaa haatan kusii qulqulaya taageerayaasha wata summadaha Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle si ay u muujiyaan taageerrada ay u kala hayaan labadaan Dowlad-Goboleed.
Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray waddada isku xirta Isgoysyada Ifka Xalane iyo Cali Kamiin waana dhabbaha hormara Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo galabta ciyaartaan ka dhacaysa.
Baraha Bulshada waxaa ka socda xifaaltan dhinaca taageerayaasha labada Dowlad-Goboleed ee Hir-Shabeelle & Galmudug, dhinac weliba waxa uu is lahaysiinayaa libinta maadaama labadooda midkood aanay koobkaan ku guulaysan.