Dagaal Dhaliyay Qasaare Badan Oo Ka Dhacay Duleedka Baydhabo.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Baydhaba.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xero ay daganaayeen ciidamada ammaanka, kadib markii ay soo weerareen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaas, kaas oo ay labada dhinac ka sheegteen guullo waa weyn.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.