Koofur Galbeed oo ka hadashay weerar A,S Ku qaadeen baydhabo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay weerar culus oo ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa saaka qaaday howlgal wadajir ah oo ay ku beegsanayaan Al-Shabaab ku sugan aaggaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay inay howlgalka kusoo qabteen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.