Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay soo afjartay nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta baadda shacabka Soomaaliyeed.
Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howl-galkaan ka fulisay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay horjoogeyaasha lixda ah ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Lixda horjooge ee la soo afjaray noloshooda ayaa waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen labo gaari kadib markii ay ka imaadeen deegaanka Buq-aqable, sida ay shaacisay NISA.
2. Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
4. Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
5. Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Shabaab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

