Kalluumaysatada Gobolka Bari oo cabasho ka ah Maraakiib ka burburisa qalabkooda .

Cabasho xooggan ayaa kasoo yeertay kalluumaysatada Gobolka Bari taasi oo la xiriirta in ay ka shaqaysan la’ yihiin Maraakiib si sharci darra ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya oo dhibaatooyin kala duwan u gaysta kolka ay kulmaan.

Waxa ay sheegeen in ay qalabkooda ay ku kalluumaysanayaan laga jajabiyo halka mararka qaar ay ka qaataan maraakiibtaas sidoo kalena ka gadista (ka qaata) Kalluunka ay waqtiga badan geliyeen ee doomaha u saaran waa sida ay hadalka u dhigeen.

Cid weliba oo wax ka qaban karta arrintaan ayay cod dheer ku gaarsiiyeen si shaqadooda ay ku maareeyaan noloshooda & tan ehelkooda ay usii wataan isla markaana u nabad galaan qalabkooda iyo doomaha ay ku xoogsi tagaan.

Maraakiib laga leeyahay Dalal kala duwan sida Yemen & Iiraan ayay kalluumaysatadu sheegeen in ay kala kulmaan dhibaatooyinka xooggan, marar kala duwan ayay ka gudbiyeen ashtako balse wax isbaddel ah weli ma sheegin in ay arkeen.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib qaarkood u jooga in ay kahortagayaan kooxaha burcad-badeedda laakiin Kalluumaysatada Soomaalida ah ayaa ku eedeeyay in ay u gacma qabtaan oo aanay ka celin xiliyada ay dhibaatooyinka u gaysanayaan.