Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Kenya.

Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dab xoog leh oo ka dhashay qarax uu sababay gaaska cunnada lagu karsado oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo illaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca ilaa 300 oo qof, sida Bisha Cas ee Kenya ay ku soo warrameyso.

Afhayeenka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in gaas la saarayey gaari kuwa xamuulka ah uu ka dhashay qaraxa, ayada oo dab xoog leh uu cirka isku shareeray.