Nin Xaaskiisa ku Qalay Magaalada Qoryooley.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kadib markii nin watay mindi uu gowracay xaaskiisa.

Falkan ayaa si gaar ah xalay maqribkii uga dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ninka ayaa la sheegay inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, isaga oo gowracay kadibna jarjaray, sida ay muujiyaan sawirro laga soo qaaday marxuumadda oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaris dheeri ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, maadaama lasoo xiray eedeysanaha.