War-Saxaafadeed Laga Soo Saaray Shir U Socday Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa xalay yeeshay shir gaar ah oo ku qabsoomay khadka taleefoonka, kaas oo looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee guud ahaan dalka.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay wasiir Biixi Cige iyo wasiirada maaliyadda maamullada dalka.

Inta uu socday shirka ayaa  ayaa looga wada-hadlay arrimo badan oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda Dalka maadaama Dowladda Federaalka Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa, kuwaa oo cuuryaamiyay dhaqaalaha Soomaaliya.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid uu wasiirka maaliyadda ee dowladda dhexe kula tashanayay wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada, si fikirkooda ugu darsadaan waddada cusub ee loo qaadayo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirku wuxuu kala tashanayay fikirka ay ka qabaan waddada cusub ee horumarinta maaliyadda dalka” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay dadaal ku bixineysay horumarinta dhaqaalaha, maadaama dhowaan uun laga cafiyay dhammaan daymihii lagu lahaa dalkeenna