Waaxda Socdaalka iyo Dhaqan-Galinta Kastamada (ICE) ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo toddobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.
Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka.
In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxdu Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka Alshabaab.
Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, afhayeenka ICE, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sano jir uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakin xiligaas wax baarid ah lama marin bartamihii Maarso.