Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.
Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninkaasi laga qabtay isaga oo wata dab iyo basiin, isla markaana hortaagan gurigiisa.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo qabashadiisa iyo ka hortaga falkaasi ay ka shaqeeyeen dadka deegaanka oo soo wargeliyay ciidanka ammaanka ee degmada.
Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wuxuu watay marka la qabanaya Taraqii iyo Shidaalkii uu ku gubi lahaa gurigiisa”.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin, maadaama ay dhacdooyinka kusii badanayaan guud ahaan Soomaaliya.
Dhowaan ayay ahayd markii degmada Qoryooley uu nin watay mindi ku gowracay xaaskiisa, kaas oo gacanta lagu soo dhigay, waxaa sidoo kale ka horreysay dhacdo kale oo ka dhacday Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu xaaskiisa ku gubay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.