Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay weerar lagu laayay dad Oromo ah uu ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Dabley hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dadkaan ku dishay xaafad ka tirsan degmadaas oo u dhow xadka Kenya.
Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyay in goobta lagu dilay 7 Oromo ah 6 kalena la dhaawacay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase soconaya baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka ee degmada Beledxaawo.
Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay hanjabaad kasoo saartay Al-Shabaab.