Labadii Baarlamaan ee ugu dambeysay waa 9-aad iyo 10-aad ayaa lumiyay intii badneyd awoodahoodii dastuuriga ahaa, waxaana shaqada dalka taalla oo dhan lagu maamulayay Golaha Wadatashiga Qaran.
Golahan oo ah madal ay sameysteen madaxda maamullada iyo kuwa fulinta ee federaalka, si gaar ahna waxaa halkaasi lagu jeex-jeexayay oo go’aan looga gaarayay arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Baarlamaanka wuxuu leeyahay awood uu ku fara-geliyo, qaarkoodna uu go’aan uga gaaro inta badan howlaha ka socda dalka. Laakiin madaxda labada heer dowladeed, gaar ahaan kooxaha fulinta qaabilsan oo danahooda gaarka ah riixayaan ayaa dhinac iskaga tuuray baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad, taasi oo weji gabax iyo macno la’aan dhigtay labadaasi baarlamaan.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u dhan yihiin qabaa’ilka Soomaalida oo dhan ayaa sababaha inta badan awoodihiisa looga fara maroojiyo dhamaadka muddo xileedka waxaa lagu sheega hoggaan xumo iyo baraarug la’aan.
Shalay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu bilaabay dood socon doonta dhowr maalmood oo la xiriirta kaalinta baarlamaanka ee arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Deni iyo mucaaradkaba waxay rabaan in shirkaan lagu fur-furo arrimaha dastuurka, xilli dhameystirka dastuurka uu kamid yahay waajibaadka baarlamaanka. Si fudud qeyb awoodaha baarlamaanka kamid ah ayaa halkaasi lagu boobi doona.
Waxay u muuqata in Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ay baraarugeen xilli hore marka loo eego baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad. Inta badan awoodaha baarlamaanka cidda fara-maroojisa ee gacanta u gelisa hoggaamiyayaasha gobollada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah waa qofka markaas fadhiya Villa Somalia.
Mana cadda inuu hadda madaxweyne Xasan Sheekh aad xiiso ugu qabo in awoodaha baarlamaanka u wada dhaco Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama uusan Xasan Sheekh uu wax dhib ah ku qabin labada Aqal ee baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo inta badan la fududeeya howlaha hortabinta u leh.