Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Puntland ay ka sameeyeen gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo lagu beegsaday koox Cabtooy ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay weerareen kooxdan oo ku howlaneyd ka ganacsiga daroogada noocyadeeda kala duwan.
Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan ay ku howlaneyd falal burcadnim ah iyo amni darro, balse ay soo afjareen.
Dhankiisa taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Cali Marduuf oo ka hadlay howlhgalka ayaa boggaadiyay ciidamada fuliyay, wuxuuna sheegay inay guul ka gaareen.
Sidoo kale wuxuu ammaan u jeediyay shacabka la shaqeeyay ciidamada inta ay ku jireen howlgalka lagu qaaday kooxda Cabtooyda ah.