Xaaf oo DF u Diray Digniin la xiriirta arrin xasaasi ah oo ka Taagan Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dhulka Dabdemiskii hore ee booliska oo dowladdu ay ka kicineyso qoysas u badan beesha Sacad ee Habargidir.

Odayaal ka socda beesha ayaa maanta Xaaf ugu tegay gurigiisa, waxayna ka codsadeen inuu ka hadlo kiiskaan, isagoo warbaahinta la hadlay ayuu codsi iyo hanjabaad isugu daray dowladda.

Xaaf ayaa sheegay in dhul 30 sano la deganaa aysan macquul aheyn in si qorshe la’aan ah dadkii deganaa looga kiciyo, isagoo ku guudiyey in dadkaan ay dagaalami doonaan hadii la isku dayo in xoog looga kiciyo dhulkooda.

Xaaf ayaa sheegay in la suurad xumeynayo madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, isagoo sheegay inuu faafay ah war sheegaya inay iibsanayaan dhulka, isagoo yiri, “War waxaasi macquul maaha, caay iyo meel ka dhac ayey ku tahay madaxda qaranka iyo dowladnimada.”

Madaxweyne Xaaf ayaa dowladda ka codsaday inay tixgeliso codsigiisa, “Maadaama aan ahay odayga ugu weyn beesha Sacad, waxaan codsanayaa in dowladdu keento xal ka duwan kan ay hadda ku raadineyso dhulka ‘dabdamiska’ sababtoo ah wiilasha loo soo adeegsaday inay dhulkaas dadka ka kiciyaan waxay dhasheen iyadoo sidaan loo degan yahay dhulkaas,” ayuu yiri Xaaf.