Maamulka Awdal State oo looga dhawaaqay magaalada muqdisho.

 Dadka ka soo jeeda gobolka Awdal ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay maamul ay ugu magac-dareen Awdal State oo ka madax-banaan Somaliland.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo sheegtay madaxweynaha Awdal State ayaa khudbad ka jeediyey xafladii maanta lagu qabtay Muqdisho, isagoo sheegay inuu la dagaalami doono maamulka Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’antahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ee degan koonfurta aad ugu amaanay wadaniyadda iyo dhiigga ku jira, maadaama ay aad uga hor imaadeen qorshaha Muuse Biixi uu ku iibsaday badda Soomaaliya.