Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qasriga Madaxtooyada dalka uganda ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada-hadlay dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taageerada dhanka Howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xureyso Argagixisada arxanka daran.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddo woo booqasho ku jooga dalka Uganda ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaas, isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada ciidan.