Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Dhacdadaan naxdinta leh ayaa la sheegay inay timid kadib markii hooyo iyo wiilkeeda oo dhalinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska.
Wararka ayaa sheegaya in dilkaan tooreyda loo adeegsaday ee ay geysteen wiilka adeerka loo ahaa iyo hooyadiis uu ka dhashay khilaaf gacan ka hadal ahaa oo dhex-maray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.
Marxuumka ayaa ugu dambeyntiina dhiig bax ugu geeriyooday afaafka hore ee guriga, sida uu sheegay wiil yar oo ay wada dhaleen hooyada dilka geysatay iyo aabaha la dilay.
Waxa uu intaasi kusii daray “Aabana banaanka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma maleyn lakiin dhiig bax ayuu bananka ugu dhintay.”
Laamaha ammaanka ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadaan argagaxa leh ee xalay ka dhacday Kaaraan.
Si kastaba, dilka ninkaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilalka argagaxa leh ee asbuucyo gudaheeda ka dhacay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo dhawaan uun nin uu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.