Maxaa iska Badalay xariirka somaliya iyo imaraadka kadib toogashadii xerada gordan.

Maalmo kadib toogashadii ka dhacday xerada Jeneraal Goordon ee Muqdisho, ayaa wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Wasiir Jaamac ayaa ugu horeyn uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ka dhalatay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Saraakiisha geeriyootay ayuu sheegay wasiirka in ay yihiin halyeeyo sumad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu hubinayo weerarkii dhawaan ka dhacay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu ka dhawaajiyay in falka argagixisada ee lagu beegsaday saraakiisha Imaaraadka ay labada dal isla garteen inuusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee laba dal.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya.