Masuuliyiin Soomaali ah oo gaaray itoobiya.

Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada caasimada ah ee Addis Ababa, ayada oo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibedda, ahna ku simaha wasiirka, Xildhibaaan  Cali Maxamed Cumar (Balcad), kaas oo ka dagay Addis Ababa.

Ujeedka ayaa ah sidii uu uga qayb-geli lahaa shirka 44-aad ee dalalka Midowga Afrika, kaas oo looga hadli doona xaaladda guud ee gobolka iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Dhanka kale, wasiir Cali Balcad oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale, ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in dowladda federaalka  Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.