Dagaal culus oo ka dhacay degmada aadan-Yabaal eegobolkashabeelada dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya uu ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Xasilinta iyo kuwa milatari ah oo taabacsan Korneel Saney Cabdulle, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ciidamada milatariga ay jirdil u gaysteen askari kamid ah Xasilinta, kadibna ay sidaas isugu dhaceen labada ciidan.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse waxaa weli si horfadhiya ciidamada ku wada dagaalamay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in mar kale dagaal uu dhex-maro labada dhinac, maadaama aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadda dhexdooda.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa weyn ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana in muddo ah ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.