Ciidamada Gaarkaa ee haramacad oo howlgalo fuliyay.

Ciidanka Boliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhexeyso deeganaka Gendershe iyo Arbacow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw.
Deegaanada howlgalka laga sameyey ayaa kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow, Mara-cade.
Waxay gaareen meelo ay Kooxda AS ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u sameyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad’ iyo kuwa Xooga Dalka Gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab.
WAR kasoo baxay dowlada ayaa lagu sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid guulaystay.
Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad
balse Ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.
Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Argagixisada Al-Shabaab.