Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Afrika ayaa si buuxda isugu raacay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid kamid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM.
Kursigaan oo kamida ah kuwa joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa haddey Soomaaliya qabato hayn doonta muddo xileedka 2025-2026.
Ku-simaha wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taasi oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.
Sidoo kale ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.
Soomaaliya ayaa muddo ku siman konton sano ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dalabkeedan ay markale helayso fursad ay saameyn ugu yeelan karto go’aannada caalamiga ah.