Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024 billowdo qodista ceelkii shidaalkii ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaas oo ku yaal aagga ku aadan xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shilkii ugu horeeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaas oo la filayo in uu noqdo maadada caeeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan.
Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hayâadda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saamaynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu.
Wasiirku wuxuu sheegay in dadaallada lagu doonayo in la soo saaro khayraadka shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu marxaladdii ugu dambeysey marayo, islamarkaana qorshuhu yahay in saddexda bilood ee ugu dambeysa sannadkan lagu wado in ceelkii shidaal ee ugu horreeyey la bajiyo.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa nasiib u yeelatay in ay noqoto meesha ugu horreysa ee shidaalka laga qodi doono, waxaana magaalada Hobyo oo qorshuhu yahay in xeebaheeda hawsha laga billaabo dhawaan booqday khubaro ka socotay Hayâadda Betroolka Qaranka oo halkaas kulamo kula yeeshay dadka deegaanka.
Dadka deegaanka oo horay ula hadlay warbaahinta ayaa marar kala duwan cabsi ka muujiyay arrintaan.