Xasan sheikh oo gaaray addis ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd u safray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hadlay socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa meesha ka saaray in Itoobiya kala hadli doonaan xiisadda taagan, isagoo sheegay in mowqifka dowladdiisa uu yahay kii ay hore u shaacisay.

Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya.