Sheikh Shariif oo Tagay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta iska xaadiriyay kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo looga doodayo wax ka beedalka dastuurka.

Shariif oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta sida wayn uga soo horjeedo arrimaha socda ee wax ka beddelidda dastuurka dalka.

Ujeedka madaxweynihii hore ee dalka ee ka qayb-galka kulankan ayaa ah inuu qayb ka noqdo doodda socoto ee Baarlamaanka, si uu sii wado qorshihiisa diidamada ee ku aadan arrimaha dastuurka oo xilligan ay si weyn isugu hayaan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Horay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka iyo sida uu u diidan yahay in xilligan loo dhaqaaqo.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga”.

Doodda Baarlamaanka iyo wax ka beddelkiisa waxaa sidoo kale si weyn uga soo horjeedda Puntland oo weli khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.