Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ganacsato lagu laayay deegaan hoosta degmada Mahadaay ee gobolkaasi.
Ugu yaraan saddex nin ganacsato ah, isla markaana ahaa walaalo ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay deegaanka Diin-laawe ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dilka kahor waxaa deegaanka soo weeraray xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka Macawiisleyda.
Intaasi kadib ciidamada deegaanka ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen saddexda nin ee ganacsatada ahaa, iyaga oo ku eedeeyay inay jawaasiis u ahaayeen Al-Shabaab.
Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo haatan laga dareemayo gobolka, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya aagga degmada Mahaaday.
Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.