Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney lagu magacaabo Muno Awsame Xuseen oo ku eedeysan inay dhowaan ninkeeda ku qabtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Haweeneydan oo falka kadib baxsatay ayaa baadi goob kadib, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lasii raaciyay in haweeneyday oo 21 jir ah la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Dhinaca kale booliska ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan, si looga hortago wax kasta oo dhibaato ku ah bulshada.
Falalka foosha xun ee ka dhax dhacaya guryaha qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.