Cidanka ammaanka Itoobiya ayaa is hortaag ku sameeyay Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafidigiisa xilli uu u socday hoolka uu ka dhacayey shirka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlay warbaahinta xaruunta Midowga Afrika ayaa falka ay ku kaceen ciidanka Itoobiyaku tilmaamay xadgudub.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib falkii ay kula kaceen ciidamada Itoobiya kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen shirka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka labada dowladood aysan fiicaneyn ka dib hashiis is afgarad ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, taas oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah Qarannimada Soomaaliya.