War kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen 6 ruux oo ku eedaysan Dil loo gaystay Allaha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo kamid ah Shaqalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Qoraal lasoo dhigay barta Facebook-ga ee Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkooda uu dhacay kaddib markii lagu soo wargeliyay in Marxuum Cabdinaasir Muuse Maydkiisa uu yaallo guri ku yaalla Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Waaxda uu sida gaar ah uga dhacay waa Janaraal Daauud gaar ahaan Xaafadda Ceel-Qalow waxaana baaris lagu hayaa Dadka uu soo qabtay Booliiska Soomaaliya kuwaas oo haatan wajahaya dabagal lagu sameynayo si looga dabatago kiiska Dilka ah ee loo haysto.
“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.
Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacan adag ku qabanayaan Dadka ka shaqaynaya falalka ammaanka liddiga ku ah waxaana xiran Dad badan oo kiisas kala duwan oo dhammaan Amniga hoostaga loo haysto.