Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas ibraahim Sheekh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.
Labada Taliye ayaa ka wada hadlay arimaha saldhiga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood, Soomaliya iyo Qatar.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin caddow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyed, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.
Ugu dambeeyntiina Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Qatar Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhigiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay Kulliyadaha Ciidamada ee dalka Qater