Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa, kaaso oo muddo ku dhow 45 cisho u xirnaa maamulka Somaliland.
Coldoon ayaa waxaa loo xiray arrimo la xiriira heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib markii uu ka hadlay heshiiskaas oo uu si weyn uga soo horjeestay, kuna tilmaamay sharci darro.
Wariyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay soo deyntiisa, maadaama uu dib u helay xorriyadiisa.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan kaloo u mahadcelinayaa maxkamaddii maanta isoo deysay, maadaama ay garatay xorriyaddii aan xaqa u lahaa inay isiiso ee la’iiga qaaday”.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wixii faahfaahin ah oo ku saabsan xariggiisa iyo wixii uu kala kulmay xasbiga uu dib ka faahfaahin doono.
Coldoon ayaa waxaa marar badan xirtay Somaliland, waxaana ku dhacay xukuno kala duwan oo xabsi ah, marar kale in la’iska xiray ayaa haddane dib loo soo daayay.