Maxkmadaynta Nin gubay xaaskiisa oo muqdisho ka bilaabatay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa goordhow ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socon doono warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmo kahor ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in weli ay tirsanayaan cadaalad darro, maadaama la daahiyay maxkamadeynta eedeysanaha, ayada oo weli maydka marxuumadda uu ku jiro Firinjeer.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Cadaaladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darteed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”.

Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud.