Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda dibad-bax weyn oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.
Dibad-baxa ayaa hadda ka socda garoonka ciyaaraha Koonis, waxaana ka qayb-galaya mas’uuliyiin iyo shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka.
Ujeedka dibad-baxan ayaa ah mid lagu taageerayo heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, uuna meel mariyay baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u mahadcelinayaan dowladda Turkiga oo Soomaaliya u muujisay garab istaag buuxa, taas oo ka tarjumeysa saaxibtinimada labada waddan.
Heshiiskaan ayaa sii jiraya muddo 10 sano ah, wuxuu ogolaanayaa in ciidamada Turkiga ay soo degaan badda Soomaaliya, isla markaana ay ka difaacaan wax kasta oo sharci darro ah, mudadaasna waxaa lagu dhisi doonaa awooda ciidamada badda Soomaaliya, si waajibaadkooda qaran ay u gutaan.
Turkigu waa saaxiibka dhow ee Soomaaliya, wuxuuna Itoobiya ugu hanjabay in dhulka Soomaaliya aysan imaa karin oo awood ciidan looga difaaci doono, kadib markii madaxweynaha Turkiga uu toos ula xiriiray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.