Saraakiil Ajaaniib ah oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday xubnaha kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Carabow oo hoostaga gobolkaasi, halkaas oo lagu laayay xubnaha fara badan.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala bartilmaameedsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha duqeynta lau dilay ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ahaa oo ka barbar dagaalamayay kooxda, isla markaana ku sugnaa halkaasi.

Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Carabow oo ah halka ay ka dhacday duqeynta.

Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in aan la tegi karin goobaha lala dhacay gantaallada, balse waxa ay xaqiijiyeen inay maqlayeen dhawaqa duqeynta oo ahayd mid culus.

Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin duqeyntaasi lasoo wariyay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ahaa.