Maxaa loo xiray Taliyihii Booliska Degmada Heliwaa.

 Taliyaha booliska degmada Heliwaa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa loo xiray eed la xiriirtay inay ku lug-yeesheen dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo Khamiistii hore meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Saraakiil sare oo booliska ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliye Cabdifitaax Qoslaaye iyo askar ilaalo u aheyd ay ku xiran yihiin xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID, isla markaana ay ku socdaan baaritaan la xiriira tuhunka loo soo xiray.

Ganacsade Abuukar Axmed oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, xilli uu u sii hoyaadayey gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde, waxaana lagu watay gaarigiisii.

Afhayeenkii xilka laga qaaday ee booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, waxbixintii booliska ee toddobaad-laha aheyd wuxuu ku sheegay in la ogaaday ragga dilay Abuukar, balse xiligaas ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hadda waxaan ogaanay in kiiskaas loo soo xiray taliyihii saldhigga booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo askar kale oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wax ka ogaayeen dilka ganacsade Abuukar Axmed, waxaana booliska laga sugayaa natiijada baaritaanka socda.

Tan iyo markii uu soo baxay tuhunka la xiriira in booliska degmada Heliwaa uu ku lugyeeshay dilka ganacsade Abuukar, waxaa isisoo taraya hadalheynta dadka reer Muqdisho oo aad ula yaaban in ciidamadii u xilsaaraa inay ilaaliyaan amniga muwaadinka ay afduubteen, kadibna dileen.