Antonio Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Magaalada Gaza si loogu gurmado Dadka ku dhibaataysan Magaaladaas ee xaaladaha dhinaca Nolosha ah wajahaya.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan Magaalada Gaza sida Xasilooni darro, Cunno la’aan, Daryeelka Caafimaadka oo aad u liito & dagaallo aan dhammaad lahayn oo ka socda Magaaladaas.
Guterres ayaa digniin ka muujiyay xaalado macluul ah oo haddii ay ka dilaacaan Magaalada Gaza ay adkaan karto in si fudud loosoo afjaro balse dhabbaha keliya ee haatan loo qaadi karo uu yahay in la sameeyo dedaal lagu dadejinayo xabbad-joojin & wada-xaajood.
Israaiil & Maraykanka ayaa ku adkaystay in dagaalka uu sii socda, dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta Falastiin ee Xamaas ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay isku sii difaaci lahaayeen haddii dagaalladu kusii socdaan.