Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Qatar oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeyntooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.

Heshiiskan oo salka ku haya dhinaca sharciga ah ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, maadaama dood xoogan ay ka taagan tahay dhameystirka dastuurka oo uu ku howlan yahay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkaas ayaa sidoo kale ka turjumaysa danaha labada waddan ee is-weydaarsiga macluumaadka iyo khibradaha qaabka diyaarinta, qorista iyo daraaseynta qabyo-qoraallada heshiisyada iyo heshiisyada is-afgaradka.