Wafti gaaray degmo ay cabsi xoogan kajirto.

Wafdi ka socda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaaqyo ciidan oo ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku sugan Gedo.

Wadigan ayaa waxaa horkacayay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo uu wehliyo wasiru dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cabdi Kaliil, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka Daraawiishta Gedo iyo mas’uuliyiinta maamula degmada Ceelwaaq.

Ujeedka safarka mas’uuliyiintan ayaa ah mid loogu guur galaya ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidamo cusub oo loo diyaariyay inay ka hortegaan weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga waxaa rabno kaliya waxaa waayay inaan aragno wiil Soomaaliyeed oo dalkiisa difaacanayo, wiil Soomaaliyeed oo deegaankiisa difaacanayo”.

Deegaanada Jubbaland ayaa kamid ah meelaha ay sida weyn ugu xoogan tahay kooxda, waxayna badanaa ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada huwanta ah.

Dhowaan ayaa la filayaa in gobollada Jubbooyinka iyo Gedo uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.