Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya ayaa soo hadal qaaday damaca gurracan ee Itoobiya ku rabto in ay ku qaadato qayb kamid ah Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tallaabada Itoobiya ay qaadday ku tilmaamay mid ka dhan ah madaxbannaanida, wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dedaallada lagu xasilinayo Badda Cas.
Waxa uu xusay in Soomaaliya ay la dagaalamayso caqabadaha jira ee taagan sida la dagaalanka ‘AS’, Adkaynta Amniga guud ee Dalka, Qorshaha lagu adkaynayo Dowladnimada, Xoojinta Iskaashiga Gobolka iyo ka mira-dhalinta guulaha Soomaaliya gaartay dhowaan.
Itoobiya ayaa 1dii Janaayo 2024 waxa ay shaacisay heshiis beenaad ay la gashay Somaliland kaas oo marqura gilgilay Geeska Afrika & meelo kale oo ka baxsan, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa ku gacansayrtay shirkii IGAD ee Kampala dhacay.